Madaxweynaha Dowladdaa Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar “Yuussuf Daba-geed†ayaa xalay Kulan Khaas ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.
Labadaasi Mas’uul ayaa waxaa ka dhexeeyey Khilaaf dhinaca Aragtida oo ku aadan Maamul-u-samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyadoo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mucaaraday Shirka Dhismaha Maamulkaasi ee ka socda magaalladda Jowhar.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa la sheegay inuu dadaal xooggan u galay sidii uu u dhexdhexaadin lahaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, wuxuuna Wasiirka xalay ku guuleystay inuu Labadooda hal gogol isugu keeno, lana xaliyo Khilaafka u dhexeeyey.
Dhinaca kale, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay Radio Dalsan u xaqiijiyeen in uu Madaxweynaha u xaqjiiyey Yuusuf Daba-geed inuu xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan sii hayn doono xitaa marka la soo dhamaystiro Dhismaha Maamul-gobaleedka HirShabelle.
Wararku waxay sheegayaan inuu Yuusuf Daba-geed maanta ku wajahan yahay magaalladda Jowhar, si uu ugu biiro Hawlaha lagu dooranayo Guddoonka Barlamaanka iyo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka HirShabelle.
©Radio Dalsan