Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ku sugan dalka Kenya ayaa maanta la filayaa in kulan muhiim ah uu la yeesho dhigiisa dalkaasi William Ruto.
Qasriga Madaxweynaha Kenya ayaa hadda waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee ay ku kulmayaan labada Madaxweyne.
Arrimo muhiim ah oo ay ugu horreeyaan iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, iyo horumarinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa kulanka.
Sidoo kale Xaaladda ammaan ee Gobalka iyo dagaalka AS ayay Labada dhinac ka wada hadli doonaan, maaddaama Kenya ay ka mid tahay dalalka Ciidankeedu ay As kula dagaalamayaan Gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqashooyin isdaba joog ah ku kala bixiyay, wadamada Uganda, Brundi iyo Jabuuti.
Sadexdan wadan ayaa ciidamo ka socdaa ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee waqtigu ka dhamaanayo dhamaadka bisha December ee sanadkan.