Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa gaaray Degmooyinka Xaradheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee alshabaab kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.
Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurimada ay u difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda ayaa min hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheere oo, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno AS uu heer gabogabo ah marayo.
“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga saarayo AS.