Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha DFS, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxat dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyna waxa uu casuumaad ka helay Amiirka dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Alnahyaan, waxaana la filyaa inay ka wada hadlaan Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta taageero badan siiyaan Dowladda Federalka.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Aadan Cadde International Airport ku sii sagootiyey Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sh. Cusmaan “Jawaari” iyo Ms’uuliyiin ka kala socota Labada Gole ee Dowladda.