Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiista maanta ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray “xoreynta†magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay gacanta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal.
Si buuxda ula wareegidda Mariupol oo ku taalla badda Azov ayaa guul-weyn oo muhiim ah u noqon doonta Russia, ayada oo u sahleysa inay isku xirto gobolka ay horey ugu darsatay ee Crimea iyo dhulka gooni u goosatada ay taageerto ee bariga Ukraine.
“Mariupol waa la xoreeyey,†ayuu Shoigu u sheegay Putin intii uu socday kulan laga baahiyey taleefishinka. “Inta ka hartay ciidanka Ukraine waxay gabbaad ka dhigteen aagga warshadda Azovstal.â€
Shoigu ayaa sheegay in qiyaastii 2,000 oo difaacayaal reer Ukraine ah ay ku jiraan warshadda, halkaasi oo iska caabintii ugu dambeysay ee Ukraine ay gabaad ka dhiganayaan.
Putin ayaa sheegay in “xoreynta†Mariupol ay “guul†u tahay ciidamada Ruushka, hase yeeshee wuxuu ku amray Shoigu inuu baajiyo qorshe ay ku geli lahaayeen aagga warshadda Azovstal, isaga oo ugu yeeray “mid aan lagama maarmaan aheyn.â€
Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen magaalada oo ay go’doon ku hayeen ciidamada Ruushka muddo bil ka badan, ayaga oo aan heli karin cunno, biyo iyo koronto.