Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada garoowe ee Caasimadda Maamulkaasi.
Deni iyo wafdiga la socday ayaa si weyn loogu soodhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe, waxaana soodhweyntiisa qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi oo ka kooban Xildhibaanno iyo wasiiro.
Sidoo kale soodhaweynta loo sameeyay Siciid Deni waxaa qayb ka ahaa dadka shacxabka ah, kuwaasi oo isugu soo baxay Garoonka si ay u soodhaweeyaan Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.