Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa gaaray Catriona Liang oo ah Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madaxda dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.
Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.