Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 54 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay:Â Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1-Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.