Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baaritaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado.
Tallaabadan ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.
Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah loogaga guuleystey doorashadii Agoosto, ayaa ku gacan-seyray tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.
Dibadbaxa ugu horeeya ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa. Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan.
Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.