Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo dhexmaray maleeshiyaad deegaanka ah oo is abaabulay iyo Al-shabaab.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay iskaga difaaceen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday degmada Baxdo.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Qoorqoor ayuu ku sheegay in dagaalkii shalay lagu dilay 70 dagaalame oo kamid ahaa Al-shabaab, ayna saddex kamid ah yihiin Ajaanib, laguna qabsaday hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka Baxdo.
“ Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen kooxdii weerarka soo qaaday†ayaa laghu yiri War-saxaafadeedka Axmed Qoorqoor.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku ku dhimatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Khasaaro farabadan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Baxdo, waxaana la sheegay in Al-shabaab oo weerar markii hore soo qaaday laga dilay in ka badan 30 dagaalame, halka maleeshiyaadka Baxdo laga dilay dad gaaraya 10 ruux iyo labaatameeyo dhaawac ah.