Saacado kadib markii Ciidamada Federaalka Itoobiya ay xabsiga dhigeyn Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa xarigaas ka hadlay Madaxweynaha Cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar(Cagjar)
Qoraal kooban oo uu Madaxweyne Mustafe Cagjar  uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku  sheegay inuu ka xun yahay in Madaxweyne la xiro, balse mudankiisa ay sidaas tahay, maadaama dhibaatooyin xoogan uu geystay.
“Aniga kuma faraxsani in la xiro Cabdi iley isaga oo bahdilan in kasta oo uu dambi badan galay laakin dad badan ayay u tahay Cashar iyo ku dayasho ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Sawirro laga soo qaaday Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muujinayaya,isaga oo aad u labisan in Ciidamada Federaalka Itoobiya ay kala soo baxeen guriga uu ka deganaaa Magalada Adis Ababa sidaasina lagu xiray.