Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradda UK ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa iska xog wareystay barnaamijyo muhiim ah oo ay Dowladda UK ka taageerto Koonfur Galbeed. Arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray ayaa waxaa ka mid ahaa:
Horumarinta Gargaarka Bini’aadantinimo: Taageeridda dadka nugul iyo kuwa ka soo kabanaya saameynta colaadaha iyo abaaraha, Xoojinta amniga gudaha iyo taageeridda
Kulanka waxaa Madaxweyne Laftagareen ku wehlinayey xubno muhiim ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta, La Taliyaha Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada, iyo Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Taas ayaa muujinaysa muhiimadda ay maamulkani siinayaan iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda UK.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale dhowaanahaan waday kulamo gaar ah oo la xiriira xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo taageerada maamulkiisa. Horay Laftagareen ayaa magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah,
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah. Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u jartay xiriirka Villa Somalia, halka maamulka Koonfur Galbeed uu weli ka gaabsaday inuu si rasmi ah mowqifkiisa uga caddeeyo xiisaddaasi. Si kastaba, kulammada Madaxweyne Laftagareen la yeelanayo diblomaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta caalamiga ah ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaalka uu ku xoojinayo maamulkiisa iyo xiriirka uu la leeyahay beesha caalamka.