Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.
Laftagareen ayaa socdaalkiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa sidii Garwadeen uga noqon lahaa khilaafka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo ugu dambayn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku guulaystay in khilaafkaas ay ka heshiiyaa Madaxda ugu saraysa Dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Labada Golle Dowlada, saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Gobolka kan Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada uga Mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen.
“Kulamada aan Muqdisho kula qaatay qaar kamid ah Danjiriyaasha dalalka Caalamka waxaan uga wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab†ayuu yiri Lafta-gareen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xusay in kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahaan ay ka go’an tahay in sida ugu dhow ay u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.