Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku qotoma ukuura-gelida Xaalada Degmada Dhinacyada Amniga,Saamaynta Abaarta iyo Dhiiragelinta Ciidanka iyo Dadka Deeganka oo udiyaar Garoobey Bilaabida Howlgalo ka dhan ah dagaalamaayasha Alshabaab ee laga saarayo Deeganada Koonfur Galbeed.