Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirka gaashaan-dhigga XFS, qaar ka mid ah golaha wasiirada koofur gabeed iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maanta Magaalada Diinsoor ee Gobolk Baay.
Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xerista shir dib u hishiisiin ah oo magaaladaas ka socday iyo sidii bulshada Diinsoor dagta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada howlgalka dalka looga xoraynayo Al-Shabaab gaar ahaan deegaanada koofur galbeed.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulamo la qaadan doona Odayaasha iyo Waxgaradka Diinsoor, isagoona kala hadli doona xaaladda degmada iyo baahiyaha jira ee loo baahan yahay in wax laga qabto.
Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa booqasho ku tagaya Xarumo ciidan oo ku yaalla Magaalada Diinsoor ee Gobolk Baay, wuxuuna kulmayaa saraakiisha ciidamada.