Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoogaaminayo ayaa lagu wada in saacadaha soo aaddan ay gaaraan  magaalada Laaascaanood, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay  ee lagu soo dhaweynayo Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa.
Socdaalka Karaasha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Xoogagga SSC ay si buuxda ula wareegeen Magaalada iyo degaanada ku xeeran, waxaana dagaalkii ugu qaraaraa oo ka dhacay Goojacadde lagaga saaray Millateriga Somaliland.
Dhanka kale hoggaanka deegaannada SSC, ayaa war ay xalay soo saareen ku sheegay in “maxkamad ay soo taagi doonaan maxaabiistii ay dhawaan ku qabteen dagaalkii Laascaanood” waa sidey hadalka u dhigeene isla markaana magaalada laga saari doono hubka iyo gaadiidka dagaal.