Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka oo safarka ku wehlinayeen xubno ka tirsan labada Golle ee Jubbaland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Maamulka degmada iyo Guddiga doorashooyinka Jubbaland.
Ujeedka Safarka Mdaxwayne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ee Magaalada Ceelwaaq ayaa waxaa uu yahay sidii uu Maanta u soo xiri lahaa doorashadii ka socota deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo shalay bilaabatay.
Maxamuud Sayyid ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada kuraasta ugu dambeeysa Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Jubbaland, taasi oo ka socota degmada Ceelwaaq oo loo wareejiyay deegaan doorashada labaad ee Maamulka.
Shalay ayey aheyd markii ay doorashada 16-kursi Golaha Shacabka ka bilaabatay Ceelwaaq, waxaana halkaas lagu doortay 11 Xildhibaan, halka kuwo kalena Maanta oo sabti ah lagu dooran doono Magaaladaas, lana soo gaba-gabeynayo doorashada.