Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulka ayaa Maanta kormeer ku tegay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.
Ujeedka kormeerka Yuusuf Daba-geed ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga xaafadaha Baladweyne oo shalay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabhada Jeneraal Xuud.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Wasiirada la socday ayaa tegay goobaha ay isugu tegaan Bulshada Magaalada, isagoona halkaas warbaahinta kula hadlay, isla markaana shacabka Baladweyne ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.
Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Nuur Xawaalad ee Baladweyne, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Markii ugu horreysay tan iyo markii xilka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa waxaa shalay Baladweyne lagu qabtay Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Arrimo kala duwan.
Si kastaba Baladweyne ayaa waxaa horey uga dhacay dagaalo iyo banaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana duleedka Magaaladaas laga aas-aasay Jabhad uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle.