Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka lagu sameeynayo qaabka hanaanka dowladnimada dalka ay ku shaqeeyaan.
Qoraal uu soo saaray Farmaajo ayaa waxaa uu ku sheegay xasilooni darro iyo hubanti la’aan ay dalka u keeni karto in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalka, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayna taasi tahay masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda,
“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aanâ€
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay iney qasab tahay in la maqlo codka dowlad Goboleedka Puntland, go’aan kasta oo la gaarana uusan sax noqon karin, haddii ay madasha wadatashiga Qaran aysan qeyb ka aheyn Puntland.
Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayuu tilmaamay in waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay in ay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah
Gabagabadii Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in hogaan kooda ay ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, islamarkaana waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka u yaala.