Madaxweynihii sagaalaad ee Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shacbiga Soomaaliyeed,usoo direy hanbalyadda ciidda,isagoo farxadda la qaybsaday guud ahaan bulshadda kala duwan ee Soomaaliyeeed
“Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo oo ah mid ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban,Maalmahan barakaysan ee Ciidda Carrafo waa maalmo ku suntan khayrka iyo cibaadada, iyadoo dadka Muslimiinta ah ay ku howlan yihiin gudashada waajibaadka xajka iyo soonâ€
Madaxweyne Farmaajo ayaa shacbiga Soomaaliyeed usoo jeediyey dar-daarankan
“Sidaas darteed, waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed in ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhowaado,Si gaar ah, waxaan uga codsanayaa xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gudanaya rukniga xajka in ay u soo duceeyaan dalka iyo dadka ,Alle waxaan ka baryayaa in ciiddan teeda inagu gaarsiiyo barwaaqo, horumar iyo caafimaadâ€