Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxaa uu Magalada Istanbul ee dalka turkiga uu gelinkii dambe gaarey uga sii gudbiyey Caasimadda dalka turkiga ee Ankara halkaas oo uu Maanta uga qeyb geli doono Shirka Xisbiga Ak Part y ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay waxa uu la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda turkiga,waxana la filayaa in manta uu khudbad dheer ka jeediyo Madaxweynaha shirka AK Part  oo ah Xisbiga haatan haya talada dalka Turkiga,kulankaas oo noqonaya kii lixaad.
Sidoo kale kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madax uu ka mid yahay Madaxweyne  Erdogan iyo Ganacsatada iyo soomaalida ku nool dalkaas.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho laba cisho ak Khamiistii ku tegay dalka jabuuti,waxana uu la kulmay dhigiisa dalkaas six al looga gaaro mad madowga soo kala dhexgalay labada dale e Soomaaliya iyo Jabuuti.