Madaxweynaha Soomaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta oo Axada ah waxa ay booqasho rasmi ah ku tagi doonan dalka masar, kadib markii uu madaxweynaha casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Masar C/fitaax Al-SiiSi.
Ujeedada safarka Madaxweyne Farmaajo,ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in uu halkasi u tagayo sidi uu ula kulmi lahaa jaaliyadda iyo ardayda ku sugan Qaahira.
Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa xaqiijisay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Masar,waxana ay sheegeen masuuliyiinteeda in Maalinta Isniinta ah uu dhici doono kulanka dadweynaha iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa la filayaa in Madaxda dalkaasi Masar  uu kala hadlo iskaashi dhanka amniga ah iyo sidoo kale dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.