Maaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinta Sabtida oo berito ah waxa uu ku wajahan yahay Magalada Asmara ee Xarunta Wadanka Erateria.
Sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka warfaafinta dalka Erateria waxaa la filayaa  inuu Asmara gaaro Madaxweyne Farmaajo markii ugu horreysay tan in markii xilka Madaxweyneneimo loo doortay 8-dii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2017.
U jeedka safarka Madaxweynaha ee Asmara ayaa waxaa lagu sheegay sidii loo hagaajin lahaa  xiriirka labada dal oo in mudo ah aan wax cilaaqaad ah laheyn.
Tagitaanka Farmaajo ee Asmara ayaa waxa uu imaanayaa,iyada oo ay dhawaan heshiiyeen Ethiopia iyo Erateria oo ,udo 20 Sano ah colaad ay ka dhaceysay.