Madaxweynaha DFS, Md. Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Madaxda iyo Shaqaalaha Radio Dalsan la wadaagaau Farxadda Sannad-guuradii 5-aad ee ka soo wareegtay Asaaska Radio Dalsan.
Qoraal uu Madaxweynuhu soo dhigay Barta Rasmiga ee Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia (@thevillasomalia) ayaa ku sheegay in Warbaahinta Madaxa Bannaan lama huraan u yihiin in Dowladda lala xisaabtamo iyo Dimuqraadiyadda.
Villa Somaliaâ€Verified account @TheVillaSomalia
Congrats to @DalsanFM for its 5th anniversary. Free media indispensible for accountable & democratic government
Si kastaba ha ahaatee, Hambalyadda Madaxweyne Farmaajo ee 5-guuradii Asaaska Radio Dalsan ayaa ku soo beegmaysa Xilli Xasaasi ah oo ay Madaxda Dowladda Federalka ku dhawaaqeen La-dagaalanka Musuqa iyo Isla-xisaabtanka  Madaxda XFS iyo Saraakiisha kale ee Hay’addaha Dowladda.
©Radio Dalsan