Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka waxku baratay iyo Macalimiinta tan iyo bur burkii dalka waqtigooda u hurey in ay dhalinyaradaas wax baraan.
“Doorka waxbarashada dalka marna lama xaqiri karo. Macalimiinta iyo aqoonyahanada dalka joogay tan iyo burburkii, waxay soo saareen dhalinyaro farabadan oo aqoonyahano ah “
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan sheegay xilli Maanta iskuul bolisiyo uu kula kulmay xoogaga dhalinyaro logu Magac daray xoogga Wadaniyiinta,kuwaas oo lamaha amniga kala Shaqeynaya dhinaca diriseynta.
Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya xilkii laga qaaday,balse xilka qaadusta ka hor Waeysi uu bixiyey ku sheegay in Wasaaradu aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ka jira.