Wargeyska Bloomberg ayaa qoray inuu Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib Erdoğan hakiyey Socdaal u qorsheysnaa oo uu ku tegi lahaa dalka Maraykanka.
Kulanka Labada Hoggaamiye ayaa dib loo dhigay ilaa xilli aan la cayimin, lamana shaacinin waxa sababay dib-u-dhigista Kulankaasi.
Saraakiil Turkish iyo kuwo Maraykan ah ayaa horey u sheegay inay Erdogan iyo Biden ku kulmi doonaan Aqalka Cad bisha soo socota ee May 9-da.
Dowladaha Turkiye iyo Maraykanka waxaa ka dhex jira Khilaaf dhanka Siyaasadda ee Arrimaha Colaada XAMAAS iyo Israel iyo Taageerada Maraykanka ee Israel iyo Kooxda YPG ee dalka Syria oo ah Faraca kooxda hubeysan ee PKK ee Dagaalka kula jirta Milliteriga dalka Turkiga.