Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland:
Markuu arkey: Qodobka 80-aad  farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.
Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Puntland, kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.
Markuu arkey:Â Qodobka 91-aad ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Waxuu xeeriyey
Qodobka 1-aad
Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.
1- Xassan Yuusuf Nuur                               Guddoomiye
2- Axmed Sheikh Cumar Xassan              Guddoomiye Ku-xigeen.
3- Saciid Axmed Faarax                               Garsoore.
4- Maxamuud Cawad Cumar                     Garsoore.
5- Saciid Maxamuud Maxamed              Garsoore.
6- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi          Garsoore Kayd ah .
7-  Aadan Axmed Moxamed                        Garsoore Kayd ah
Qodobka 2-aad
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.