Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Puntland (PISA).
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.