Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xalay ku dhawaaqay in doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtnimada Maamulka Puntland ay noqon doonto nidaamka doorasho qof iyo Cod ah.
Madaxweyne Deni oo khudbad jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Puntland u jiheysatay doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana Guddiga doorashooyinka ee PEC uu shaqeynayo sidii ay u dhici laheyd doorashadaasi, kadib markii uu sheegay in hore Maamulka u tijaabiyay qabashada doorasho noocaasi oo kale.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tilmaamay aanu isagu dooneyn muddo kororsi ku dhisan sharci darro, sidaas darteed doorashada la qabanaayo ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, lagu gelaayo 8 Xisbi taas oo la soo dooranaayo 66 Xildhibaan.
“Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,†ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni yiri.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ururada siyaasadda Puntland iyo xubnaha Maamulka ugu baaqay inay u diyaay garooban doorashada.
Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin.