Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu ka laabtay Hankiisa ku aadanaa inuu mar Labaad isku soo sharxo xilka Madaxtinimadda, kadib, markii ay Xubnha Xisbiga Kulmiye ee Somaliland ku kala irdhoobeen Khilaaf Siyaasadeed.
Madaxweynaha oo maanta ka hadlay furitaanka Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu go’aansaday inuusan mar labaad isa soo sharxin, wuxuuna tilmaamay in go’aankiisa noqon doono mid ku-dayasho mudan.
Ma cadda sababaha rasmiga ee ku dhaliyey Go’aankaasi, inkastoo Siyaasiyiinta Mucaaradka rumeysan yihiin inaan Silaanyo mar kale ku guuleysan Karin Doorashadda soo socota.
Sidoo kale, Madaxweyne Silaanyo ayaan la ogeyn inuu iska casili doono Xubinnimadda Xisbiga Kulmiye, maadaama ay Xildhibaanadda Xisbiga u kala jabeen Labo Garab oo wiiqi karta Midnimadda Xisbiga Kulmiye.
Xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye waxay maanta doorteen Musharaxa Xisbiga ee Madaxtinimadda la filayo in la qabto bisha March 27-da ee sannadka 2017-ka.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa loo doortay Musharaxa Xisbiga, waxaana u codeysay 344 Mudane oo ka mid ah 366 Mudane oo Kulanka joogtay.
Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka haatan ee Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil “Zeylici†ayaa isagana loo doortay inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne-ku-xigeenka ee Doorashadda dhici doonta 2-sanno kadib.
Shirka maanta u furmay Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaa qaadacay Wasiiraddii dhawaan iska casilay Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ka soo horjeeda Siyaasadda Madaxweyne Axmed Silaanyo.
© Radio Dalsan