Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta kulan la qaatay ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Kiki Gbeho.
Madaxweynaha Iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay saameynta baahsan ee abaartu ku yeelatay deeganada iyo dadka reer Galmudug iyo sidii gargaar degdeg ah loola soo gaari lahaa dadka iyo duunyada ay saameysay.
Sidoo kale kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Kiki Gbeho ayaa looga arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa weli ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna wadaa kulamo uu la yeelanayo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlaya wax ka qabashada xaaladda Abaaraha ee ka jira deegaannada Galmudug.