Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo jimco ah waxaa ay u wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Safarka Madaxweyne Qoorqoor ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaya Qaar kamid ah Xildhibaanada dooran ee Baarlamaanka 11-aad ee dowadda Federaalka, iyagoona gelinka dambe tegaya Baydhabo oo ay ka socoto diyaar garoowga soo dhaweynta.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona ka wada hadli doona xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor uu si gaar ah ugala hadli doono Madaxweyne Lafta-gareen sidii loo xallin lahaa caqabadaha jira iyo khilaafka u dhexeeya Lafta-gareen iyo Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Madaxweynaha Gamudug ayaa la tilmaamayaa inuu bilaabayo dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka Lafta-gareen iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo salka ku haaya Arrimaha doorashooyinka.
Koonfur Galbeed ayaa joojisay wadashaqeyntii kala dhexeeysay Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ee Arrimaha doorashooyinka, iyagoona Rooble ku eedeeyay inuu faragelin ku haayo doorashada iyo kuraas lagu doortay Koonfur Galbeed.