Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Golaha Wasiirada warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Magaalada Kismaayo ku timid safiirka UK ee Soomaaliya.
Warbixinta amniga ayaa ugu horeeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey ciidamada Dowladda qaybahooda kale duwan, kuwaasi oo dagaal kula jira Al-shabaab, isla markaana ka shaqeynaya adkeeynta amaanka guud.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Maamulka ay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynaha in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha wasiiradda oga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK qayb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.