Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambareeyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarka oo gaarayay 9 ruux, halka kuwa dhaawacmay uu Madaxweynaha u rajeeyay Caafimaad.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa boggaadiyey dhammaan Ciidamada kala duwan ee Jubbbaland ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawalka oo saacado ay ka dhex-dagaalamayeen rag hubeysan oo galay.
Madaxweynaha ayaa dadka dhintay Alle uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo, si gaar ahna tacsi ugu diray Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay ka shaqeynayey sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa dhismaha.
“Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii AS looga saari lahaa dalka” ayuu yiri MW Axmed Madoobe oo ka hadlaayay qaraxii Kismaayo oo mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab..