Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo xubno kale, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.
Guddiga SEIT ee Maamulka Jubbaland ayaa malaamaha soo socdo shaacin doona Jadwalka doorashada kuraasta 16-ka ah ee taalla Magaalada Garbahaarrey ee Xarunta Gobolka Gedo, Inkasto wali aysan cadeyn goobta lagu qaban doono doorashadaas.
Jubbaland ayaa caqabad siyaasadeed ka heysata deegaan doorashada labaad ee Garbahaarrey, halkaas oo loo diiday inay tagaan Guddiga qiimeynta xaaladda Magaaladaas ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Guddigaas kasoo horjeestay Maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka.
Maamulka Jubbaland ayaa maalmo kahor soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay u harsan tahay oo kaliya doorashada 16-ka oo khilaaf siyaasadeed ka jiro.