Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Dhoobleey ayaa maanta la kulmay saraakiisha ciidanka Amniga.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey wasiirka Amniga Gen: Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, Guddoomiyaha maxkamadda sare Cabdishakur Sheikh Maxamed Rashiid, Xeer ilaaliyaha guud Maxamed Sheekh Cusmaan, Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan, Taliyaha guutada 11-aad qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland ee ka howlgala degmada Dhoobley.
Madaxweyne Axmed Madoobe  ayaa sarakiisha ka dhagaystay warbixinta xaalada amniga Degmada iyo howlgalada ka socda deegaanada degmadaas.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa darajada labo xidigle u dalacsiiyay sargaalad Miski Maxamed Cali oo katirsan Ciidamada booliska Degmada kadib shaqo wanaageeda iyo Sida hufan ee ay ugu adeegto bulshada.