Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Bucha oo u dhaw caasimadda Kiev halkaas oo lagu eedeeyay ciidamada Ruushka inay ku dileen dad rayid ah.
Wuxuu mar kale ku eedeeyay Ruushka in Ukraine uu ka geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq.
Mar BBC ay wax ka weydisay dagaalka , Zelensky wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii lagu joojin lahaa dagaalka Ukraine iyadoo loo marayo dariiq diblumaasiyadeed iyo mid militeri.
“Waxaad arkii kartaa waxa lagu sameeyay magaaladan casriga ah, taasina waa dhaqanka ciidamada Ruushka-waxay dadka ula dhaqmaan si ka xun sida loola dhaqmo xayawaanada, waxa aad halkan ku aragteen waa xasuuq dhab ah†ayuu yiri Zelensky.
“Maalinba maalinta ka danbaysa, waxaa la helayaa maydad, dad la jir dilay iyo kuwa la dilay,” ayuu yiri.
Ruushka ayaa beeniyay in ciidamadiisa ay tacaddiyo u geysteen dad rayid ahaa oo ku sugnaa Bucha.
Dagaallo ayaa weli ka socdaa qeybo ka mid ah bariga iyo koonfurta Ukraine oo ay kamid yihiin gobolada Donetsk iyo Luhansk.