Madaxweyne Yoweeri Kaguta Museveni waxa Uu hadalkaasi ka jeediyey mar uu la kulmay Arday loo tababaryo Hawlaha Ciiddanka, oo wax ku barta Kolejka Milliteriga ee  the British Advanced Commanders’ Staff College ee dalka Britain,  kuwaasi oo booqsho 5 maalmood ku jooga Uganda.
Waxa uu sheegay in Ciiddamadda dalalka Uganda iyo Britain uu ka dhexeeyo Iskaashi dhinacyo badan,  isla markaana ay wadaagaan  Ammaanka, Siyaasadda Horumarinta,  sida Maalgashiga.
Mar uu ka hadlayey Arrimaha Gobalka, waxa uu carrabka ku dhuftay Xaalladda dalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM oo ay Ciiddanka Uganda qeyb ka yihiin.
Madaxweynuhui waxa kale o ouu ka hadlay Arrimaha Siyaasadda Somalia, wuxuuna saadaaliyey inay Xaalladu caadi ku soo noqon doonto 10-ka sanno ee soo socda, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu intaasi ku daray in Kooxaha Siyaasadda Somalia si wadajir ah la isugu keeni karo, iyadoo loo marayo Dhaqhaqaaqyada Ardayda, iyo Dhismayaasha la heli karo si loo badbaadiyo dalkooda.
Dhinaca kale, Madaxweyne Museveni waxa uu tilmaamay inay dadka Uganda noqon dooaan Bulsho casri ah 25-ka sanno ee soo socda.
waxa kale oo uu ka hadlay culayska ay Qaxootiga ku hayaan dalkiisa iyo rajada uu ka qabo  inay Ciiddanka Uganda noqon doonaan kuwa casri ah.