Madaxweynaha dalka Türkiye, Rajab Dayib ayaa ugu baaqay Dunida Muslimka inay u midoobaan sidii loo joojin lahaa Weerarada ay Israel ku hayaan Marinka Gaza.
Erdogan ayaa waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Gambia Adama Barrow, waxayna ka wada xaajoodeen Duqeymaha Israel ku hayaan Deegaanada Falastiin iyo Ajendayaasha Shirka 15-aad ee Madaxda dalalka islaamka ee haatan ka socda Caasimada dalka Gambia ee Banjul.
Madaxweynaha dalka Türkiye ayaa waxa uu rajo ka muujiyey inay Shirkaasi ka soo baxaan Go’aano dan u ah Qaddiyadaha Islaamka.
Erdoğan ayaa waxa uu ku dhaleeceyey dalalka Reer Galbeedka Siyaasadahooda Munaafaqnimada ee Xasuuqa Qasa iyo
Dhanka kale, Madaxweyne Erdoğan waxa uu ka cuddur daartay inuusan ka soo qeyb geli karin Shirka Madaxda dalalka Islaamka, balse uu Wakiil ahaan u soo diray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye, Hakan Fidan oo haatan ku sugan Caasimada dalka Gambia ee Banjul.