Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Alle ha u naxariistee gudoomiye,Jawaari ayaa ahaa odey,Soomaaliyeed oo in badan ka shaqeeyey dowladnimada Soomaaliya.Waxa uu Xijaabtey 28ka bishii aynu kasoo gudubnay Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.
Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda. Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.
Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP.
Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dastuurka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.
Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadli jirey luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.Xilka gudoomiyenimo ayaa loo doortey sanadkii 2012kii Alle ha u naxaristee Jawaari waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed,oo wax badan ka shaqeeyey maslaxada umadda.Laba jeer ayuuna  hantiyey in uu hogaamiyo Baarlamanka