Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo xasaasi ah ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu la kulmay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo hoggaanka maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda.
Kulamadan oo diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta gulufka ka socda deegaanada ay wali ku sugan yihiin kooxaha argagixisada.
Madaxweynaha iyo madaxda deegaanka ayaa si qoto dheer uga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ka socda gobollada dalka, isaga oo kala hadlay qorshayaal la xiriira xoreynta deegaanada harsan iyo sidii ciidamada loo gaarsiin lahaa taageero buuxda.
Maalmihii lasoo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sugnaa degmada Cadale, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay xarumaha ciidamada iyo goobaha ay ka socdaan abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaa la filayaa in kulamadan ay horseedaan xoojinta duullaanka lagu cirikooxaho AS ee weli ku sugan qaybo kamid ah dalka.
Waxaa xusid mudan in dowladdu ay ku dhiirrigelisay bulshada deegaanka inay garab istaagaan ciidamada Qaranka, si loo xaqiijiyo guulo waara oo laga gaaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa horay u ballan qaaday in dowladdu ay ka go’an tahay ciribtirka kooxahan, si dalka looga xoreeyo cadowga horumarka iyo nabadda diidan.