Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu kala hadlo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta arrimaha dib u soo celinta qaxootiga iyo xeritaanka xeerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.
Xasan Sheekh ayaa shalay tagay xerada Dhadhaab markii ugu horeysay tan iyo markii xilkan loo doortay,isaga oo sido kalena noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee booqday xerooyinka qaxootiga.
Madaxweynaha ayaa la rajeynayaa inuu kala doodo Uhuru Kenyatta qaabka Kenya ay dooneyso iney u soo celiso dadka qaxootiga ah ee ku nool Dhadhaab iyo Kaakuma.
In ka badan 130 kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku nool xeryaha caalamka ugu balaaran ee Dhadhaab iyo Kaakuma.
Kenya ayaa dhawaan shaacisay iney xireyso xerada Dhadhaab bisha November ee sanadkan.
Hey’addaha Xuquuqda aadanaha oo ay ku kamid yihiin Amnesty International iyo HRW ayaa ka digay xeritaanka Xerada Dhadhaab iney sababi karto xaalad bini’aadanimo oo hor leh.