Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu hambalyo u direy Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistan Imran Khan oo shalay ku guuleystay xilkaas.
“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani Imran Khan  guushiis maanta. Pakistan waa dal dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga lehâ€. ayuu yiri Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo.
Imran Khan ayaa hugaaminayay kooxda Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilliaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.
In ka badan Labaatan sano ayuu u halgamayay sidii uu u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha dalkiisa balse nasiib wanaag waa uu gaaray dadaalkiisa kadib doorashadii ka dhacday Pkistan.
Khan ayaa noqon doono Ra’isul Wasaarihii laba iyo labaatanaad (22) ee dalkiisa.