Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeedinayey munaasibadda xuska sanad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay markii ay madax banaanida qaateen Gobollada Waqooyi ayaa ka hadlay Go’aankii dowladda ay kaga hortimid deeqaha lasiiyo Maamulkaas.
Waxa uu sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay duullaan ku yihiin Somaliland,taasina ay daliil u tahay dagaalka ka socda Tukarraq, go’aanka dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ee deeqaha beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.
“Midnimo la raadiyo iyo in lagana go’doomiyo deeqaha Caalamka ma ahan kuwo isqabta,iyaga oo iska kaashanaya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ayuu yiri Madaxweyne muuse Biixi.
Mar uu ka hadlaayay Shaqada Hay’adda DP World ee dekadda Berbera ayuu sheegay in Bisha December ee soo socota ay billaabaneyso hawlaha rasmiga ah ee dekadda islamarkaana dhismaha wadda ka baxda Berbera illaa Wajaale tagtana la diyraarinayo.