Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi Xildhibaano oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson, kuwaasi oo gaaray Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuha ayaa waxaa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii Baarlamaanka UK ay dhawaan horgeeyeen dooddii madax-bannaanida loogu raadinayey Somaliland, doodihii cad-caddaa, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay Xildhibaanada ku tageen Magaalada Hargeysa.
Sidoo kale madaxweynuha ayaa waxa uu fariin u diray dhammaan Baarlamaanada kale ee caalamku, isla markaana waxaa uu dalbaday inay ku daydaan Baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriirta Madax-banaanida ay dooneyso Sonaliland.
Ugu danbayn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaariso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa, si uu u bixin karo adeegyo bulsho oo dhamaystiran.
Kulankan waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye.
Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.