Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 49aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si dadban waxaa uu kaga hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay Galmudug iyo sidoo kale wararkii hoose ee sheegayay in Puntland ay ku lug leedahay dagaaladaasi.
Siciid Deni ayaa si dadban uga jawaabay hadalkii duur xulka ahaa ee ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad Goboleedyada dalka lid ku ah ay sidoo kale lid ku tahay Puntland.
Waxaa uu intaas ku daray in wax kasta oo dib u dhac iyo amni darro ah oo soo wajaha dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland†ayu yiri Siciid Deni.
Hadalka Siciid Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Mamaulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin iyo dhinacyo kale oo si dad ban ugu lug leh, dagaaladii dhawaan ka dhacay Galmudug, waxaana sidoo kale jiray warar la isla dhex-marayay oo tilmaamayay in Puntland ay garabsiisay Ahlu Sunna, inkastoo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi ay beeniyeen arrimtaasi.