Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Ciidamo farabadan lagu soo daadiyay halka uu ka deggan yahay Xalane, waxaana uu arrintaas uu ka muujiyay walaac, sidoo kale Deni ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.
“maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.” Ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland.
Madaxeyne Dani ayaa horay cabasho uga muujiyay ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.
“Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira, marka wax naxariis ah oo ay leeyihiina ma jirto, dadka waxa xun looma sheego laakin waan qarsan waynay,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya ciidamadaas sida gaarka ah u tababaran.