Dowlad Goboleedka Puntland ayaa 24 saac ka dib waxa uu Warka soo saarey qarixii khasaaraha geystay ee xalay maqribkii ka dhacay Magalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Togdheer.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa marka hore loogu tacsiyadeeyey dadkii isugu jirey mas’uuliyiin iyo Shacab ee qaraxaas ku geeriyooday.
Waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeedka in dadkii ku geeriyooday qaraxaas ay ka mid ahaayeen Siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Maamulka Puntland.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka:-