Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 21ka January 2022 kuna magacaabid Wasiir, iyo Wasiir ku-xigeen ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay:Â Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda   shaqo.
Markuu tixgeliyey:Â Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.
Markuu garawsaday:Â Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday:Â Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
1-Waxaa Axmed Yaasiin Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda Puntland
2-Waxaa Xasan Cabdalle Xasan loo magacaabay Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay Wasiiro iyo Wasiir ku-xigeeno cusub, kuwaasi oo kamid noqday Xukuumaddiisa.