Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ku hoyday magaalladda Jowhar oo uu shalay ka furay Shirweynaha Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Madaxweynaha waxa uu shalay galab ilaa xalay Kulamo La-tashiyo ah la yeeshay Odayaal Dhaqameed iyo Siyaasiyiin ka kala socotay Ergooyinka ka qeybgalayo Shirka, kuwaasi oo ay is-dhaafsadeen Arrimo la xiriira Ambaqaadka Shirka.
Madaxweynaha waxa uu ugu baaqay Ergooyinka Shirka inay si deggan u soo xushaan Hoggaamiyaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
“Hoggaamiyaha aad xulanaysaan waa inaad ka fekertaan, si aad u doortaan Hoggaamiye Aamin ah, lagu kalsoon yahay, kana shaqeynayo Danaha Guud†ayuu yiri Madaxweynaha oo hoosta ka xariiqay in ay Dowladda Federalka taageero ka geysanayso Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu sii joogay Jowhar, inkastoo aan la ogeyn inuu maanta sii joogi doono iyo inuu u ambabixi doono magaalladda Kismaayo, si uu uga qeyb galo Furitaanka Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka.
©Radio Dalsan                       Â